Month: May 2019

Munaasabadda Maalinta dhalinyarada ee 15-ka May

Munaasabadda maalinta dhalinyarada ee 15-ka bisha May darteed, Xisbiga Midowga Qaranka waxa uu u dirayaa dhalinyarada iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan tahniyadda sannadguuradii 76aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Waxaan Alle subxaanahu wa tacaalaa ka rajeeyneeynaa in uu haybaddii iyo wadajirkii berigaa dib ugu soo celiyo ummadda Soomaaliyeed.

Xisbiga Midqaran oo Magaalada Beledweyne laga soo dhaweeyey


Munaasabad lagu tageerayay Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Baladweyne. Magaaladda Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa lagu qabtay munaasabad isugu jirtay soo dhaweyn iyo taageero loo muujinayay Xisbiga Midqaran oo ka mid ah axzaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta. Waxa munaasabadda kasoo qeyb galay aqoonyahano, siyaasiyiin, odayaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Baladweyne, kuwaasi oo soo dhaweyn iyo tageero u muujiyay xisbiga Midqaran, madaama hogaanka sare ee xiabiga Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, uu yahay siyaasi rug-cadaa ah iyo aqoonyahan Soomaaliyeed oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan. Dadkii kasoo qeyb galay munaasabadda ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey xisbiga Midqaran iyagoo ka rajeeyey in uu dalka wax badan kusoo kordhin doono. Mohamed C/raxmaan Kheyre oo ah Wasiir kuxigeenka Dastuurka Hirshabelle oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan xisbiga Midqaran isagoo ku sifeeyay hogaanka xisbiga dad aqoon iyo waaya-aragnimo ay kulmisay, xaaladda dalkana si dhow ula socday. Xaawo Axmed Maxamed oo ka mida haweenka gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in ka haween ahaan ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan xisbiga Midqaran waxa ay madaxda sare ee xisbiga ka dalbatay in haweenka doorkooda laga siiyo ka tala galinta arimaha xisbiga, madaama ay sheegtay in madaxda xisbiga ay yihiin dad aqoonyahano ah oo fahmi kara doorka haweenka ee bulshada. Ugu dambeyntii mas’uuliyiintii ka tirsanaa xisbiga Midqaran oo munaasabadda soo xiray ayaa u mahad celiyay kasoo qeyb galayaasha munaasabadda, waxa ay shegeen in xisbiga Midqaran uu masraxa siyaasadda ee Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhinayo madaama madaxda xisbiga ay yihiin siyaasiyiin iyo aqoontahanno wax badan usoo joogay xaaladda dalka, iyagoo xusay in munaasabado kale oo looga hadlayo arimaha xisbiga Midqaran lagu qabanayo magalooyinka dalka madaama xilligaan siyaasadda Soomaaliya ay u muuqato in aay u guureyso dhanka axzaabta. Xisbiga Midqaran waxa uu kamid yahay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ee dhawaan la meel mariyay Waxaana hogaanka xisbigu aay balan qadeen in aay wax badan kusoo kordhin donaa Masraxa siyaasada soomaaliya.

Scroll to top